info@naasix.com naasiye@gmail.com +252-63-4062106 Hargeisa, Somaliland

Buuggan wuxuu soo baxay sanadkii 2012, wuxuuna bixinayaa sharaxaad
faahfaahsan oo ku saabsan micnaha suuqgeynta dhijitaalka ah iyo sida
ay kaalin weyn uga ciyaarto kor u qaadista iibka shirkadaha.
Waxaa kaloo ku jira tilmaamo muhiim ah oo ku saabsan sida loo
adeegsado suuqgeynta dhijitaalka ah iyo kanaalada kala duwan ee
suuqgeynta si looga faa’iidaysto si buuxda.
Intaas waxaa dheer, buuggu wuxuu siinayaa talooyin qiimo leh
wakiillada iibka iyo masuuliyiinta suuqgeynta si ay u horumariyaan
xirfadooda suuqgeynta dhijitaalka ah iyo inay bartaan sida loo sameeyo
istaraatijiyad suuqgeyn dhijitaal ah oo guuleysata Waxaa qoraya labada qraa ee kala ah

Dave Chaffey – waa qoraa iyo lataliye suuqgeyneed, wuxuuna ka
caawiyay shirkado badan inay horumariyaan suuqgeynta dhijitaalka ah.
Waxa uu dhashay sannadkii 1963. Waxaa Wasaaradda Ganacsiga iyo
Warshadaha ee UK ay u aqoonsatay mid ka mid ah horumariyeyaasha
ugu wanaagsan ee suuqgeynta dhijitaalka ah.
Waxa kaloo uu helay aqoonsi caalami ah oo uga yimid Chartered
Institute of Marketing isagoo loo aqoonsaday tababare heer sare ah.
Wuxuu qoray buugaag dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
 Total E-mail Marketing
 E-Business and E-Commerce Management
Fiona Ellis-Chadwick – waa qoraa, khabiir iyo lataliye ku takhasustay
suuqgeynta dhijitaalka ah iyo iibinta tafaariiqda.
Waxay qortay buugaag dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
 What is Retailing
 Internet Adoption in the UK
Waxay sidoo kale ka mid ahayd qorayaashii buuggan Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *