info@naasix.com naasiye@gmail.com +252-63-4062106 Hargeisa, Somaliland

Unique Selling Proposition in Marketing
Waxaa faafiyay: researchgate.net
Turjume: Turjume: Abdikarim Mohamed Ahmed
Aasaasaha & Maareeyaha Guud – Naasix Consulting
Hordhaca turjumaha
Suuqa maanta ma guuleysto ganacsiga lacagta badan haysta , balse
waxa guuleysta kan si cad u muujiya waxa ka dhiga mid gaar ah oo ka
duwan ganacsiyada kale . Unique Selling Proposition (USP) waa lafdhabarta kala soocda ganacsi caadi ah iyo summad si fudud maskaxda
macaamiisha u degta. Maqaalkani waxa uu si qoto dheer u sharxayaa
sida USP loo fahmo, loo dhiso, loona adeegsado si loo helo faa’iido
tartan oo waarta. Haddii aad rabto in summaddaadu ka dhex muuqato
suuq ciriiri ah, qodobkani adiga ayuu kuu gaar yahay.
Unique Selling Proposition (USP) in marketing
Suuqa casriga ah ee maanta, oo la ogyahay inay ku jiraan badeecooyin
iyo adeegyo aad u tiro badan, awoodda shirkadi ay iskaga soocdo
tartamayaasha waxay noqotay arrin lama huraan ah. Daraasad ay
samaysay McKinsey & Company ayaa muujisay in in ka badan 75%
macaamiisha ay diyaar u yihiin inay beddelaan summadda ay
adeegsadaan haddii loo soo bandhigo beddel qancin kara, taasoo si cad u
muujinaysa muhiimadda kala-duwanaanshaha (differentiation) ee
ilaalinta daacadnimada macaamiisha.
Kala-soocnaantu ma aha oo kaliya ikhtiyaar istiraatiiji ah, balse waa
shuruud asaasi ah oo lagu sii dhex joogi karo jawi tartan adag leh,
halkaas oo macaamiisha ay ku hareeraysan yihiin xulashooyin fara
badan. Iyada oo suuqu sii fidayo una kobcayo si joogto ah, shirkaduhu
waa inay si cad u aqoonsadaan una gudbiyaan qodobbada ka dhigaya
wax-soo-saarkooda ama adeegyadooda kuwo gaar ah, isla markaana si
gaar ah ula jaanqaada dhagaystayaashooda bartilmaameedka ah, si ay u
dhistaan faa’iido tartan oo waarta.
Xudunta istiraatiijiyaddan kala-soocnaanta waxa ku jira fikradda Unique
Selling Proposition (USP), oo ah tiir aasaasi u ah suuq-geynta wax ku
oolka ah, kana mid ah mowduucyada si ballaaran looga dooday dhinaca
aragtida (theory) iyo kan ku-dhaqanka (practice).
USP waxaa lagu qeexaa inuu yahay hadal cad oo soo jiidasho leh oo si
toos ah u muujinaya faa’iidooyinka ama astaamaha gaarka ah ee
badeeco ama adeeg, kuwaas oo ka sooca tartamayaasha, una leh macne
dhab ah macaamiisha.
Muhiimadda USP si xirfad leh loo habeeyey lama dhayalsan karo; waa
saldhigga ay ku dhismaan dhammaan farriimaha suuq-geynta, wuxuuna
hubiyaa in farriinta summaddu ay gaarto dhagaystayaasha isla markaana
ku sii nagaato maskaxdooda. Marka si cad loo muujiyo waxa
badeecadda ama adeegga ka dhiga mid gaar ah,
USP-gu ma aha oo kaliya inuu soo jiito dareenka, balse sidoo kale
wuxuu xoojiyaa daacadnimada summadda, wuxuuna kobciyaa
doorbididda macaamiisha ee suuq aad u ciriiri ah.
Sidaas darteed, USP waa qalab istiraatiiji ah oo is waafajiya dadaallada
suuq-geynta ee shirkadda, awooddaheeda aasaasiga ah, iyo baahiyaha
macaamiisha. Iyada oo loo marayo USP, summaduhu waxay si wax ku
ool ah u muujin karaan kala-duwanaanshahooda, iyaga oo hubinaya inay
si muuqata uga dhex iftiimaan suuq aad u buuq badan.
Tusaale ahaan, shirkad ayaa xallisay dhibaato aasaasi ah oo
macaamiishu ka cabanayeen, taas oo ahayd wakhtiga gaarsiinta.
Tusaale kale oo caan ah waa shirkadda M&M’s, oo leh hal-kudhiggeeda caanka ah: “Wuxuu ku dhalaalaa afka, ku ma dhalaalo
gacanta.” USP-gan waxa uu diiradda saaray faa’iido gaar ah oo
badeecadda ah, taas oo soo jiidatay macaamiisha danaynaya nadaafadda
iyo fudaydka, kana dhigtay M&M’s mid si cad uga dhex muuqda suuqa
nacnaca ee aadka u tartanka badan.
Tusaalooyinkan waxay si cad u muujinayaan doorka muhiimka ah ee
USP-gu ku leeyahay dhismaha aqoonsiga summadda iyo qiimaheeda.
Marka si cad loo qeexo waxa badeecad ama adeeg ka dhigaya mid ka
duwan oo ka wanaagsan kuwa kale, USP xooggan wuxuu ka caawiyaa
summadda inay hesho saamigeeda suuqa, dhisto daacadnimada
macaamiisha, isla markaana gaarto faa’iido tartan oo waarta, xitaa jawi
ganacsi oo aad u adag.
Qodobbada Aasaasiga ah ee USP ga Xooggan
Unique Selling Proposition (USP) waa curiyaha ugu muhiimsan ee ka
sooca summad ama badeeco tartamayaasheeda. Kala-duwanaanshahan
(differentiation) looma jeedo inuu noqdo mid iska caadi ah oo aan qiime
lahayn, balse waa inuu noqdaa kala-duwanaansho macno leh oo
muhiim u ah dhagaystayaasha bartilmaameedka ah. USP waa inuu
muujiyo astaamo ama faa’iidooyin aanay tartamayaashu bixin karin, taas
oo summadda siinaysa faa’iido tartan oo cad.
Kala-duwanaanshahani wuxuu ka iman karaa teknoolojiyad horumarsan,
faa’iidooyin gaar ah, tayo sare, ama hab cusub oo hal-abuur leh oo
adeegga macaamiisha ah. Qodobka ugu muhiimsan ayaa ah in USP-gu
uu xalliyo farqi ka jira suuqa ama uu bixiyo xal dhibaato aanay
badeecooyinka kale wax ka qaban, taas oo summadda ka dhigaysa
doorashada koowaad ee macaamiisha.

  1. Kala-duwanaansho (Differentiation)
    Ujeeddada kala-duwanaanshuhu ma aha oo kaliya inaan ka duwanahay
    kuwa kale, balse waa inaan kaga duwanaanno hab saamayn leh oo
    khuseeya macmilka. USP-gu ma weydiinayo oo keliya “sideen uga
    duwanahay kuwa kale?” balse wuxuu si toos ah uga jawaabayaa
    “maxay sababta kala-duwanaanshahani adiga kuugu muhiim yahay?”
    Tusaale:
    Haddii summad taleefanno soo saarta ay diiradda saarto kamarad aad u
    xooggan, halka dhagaystayaasheedu ay ka mudnaan siiyaan cimriga
    batteriga, USP-gaasi ma noqonayo mid ku habboon, sidaas darteedna
    wuu fashilmi doonaa.
  2. Ku-habboonaansho (Relevance)
    Haddii USP-gu aanu ku habboonayn dhagaystayaasha bartilmaameedka
    ah, ma yeelan doono wax saamayn ah, xitaa haddii uu u muuqdo mid
    xooggan. Sidaas awgeed, shirkaduhu waa inay si qoto dheer u fahmaan
    macaamiishooda, gaar ahaan:
     Dhibaatooyinkooda
     Doorbidkooda
     Waxa ku riixa go’aan-qaadashada
    Marka xogtan la fahmo, waxaa suuragal noqota in la dhiso USP
    muujinaya waxa badeecadda ka dhigaya mid ka duwan iyo sababta kaladuwanaanshahani u yahay mid muhiim u ah macaamilka.
  3. Caddaan iyo Fudayd (Clarity & Simplicity)
    USP-gu waa inuu noqdaa mid cad, fudud, oo si sahlan loo fahmi karo.
    Maadaama macaamiishu maanta la kulmaan farriimo suuq-geyn oo aad
    u badan, ma haystaan waqti ay ku falanqeeyaan jumlado dhaadheer ama
    erayo farsamo oo adag.
    USP ga guuleysta wuxuu noqdaa mid:
     Gaaban
     Toos ah
     Si fudud loo xasuusan karo
    Tusaale caan ah:
    Nike – “Just Do It”
    Farriin aad u fudud, balse xambaarsan macne qoto dheer oo si toos ah u
    dhiirrigelisa dhagaystayaasha.
  4. Kalsooni iyo Xaqiiqnimo (Credibility)
    USP-gu waa inuu noqdaa mid la rumaysan karo, isla markaana lagu
    kabay caddaymo dhab ah. Macaamiisha maanta aad bay uga shakiyaan
    ballanqaadyo waaweyn oo aan sal lahayn.
    Kalsoonida waxaa lagu xoojin karaa:
     Aragtiyo iyo markhaatiyo macmiil
     Daraasado cilmiyeed
     Qiimeynno iyo ratings
     Natiijooyin dhab ah oo la xaqiijiyay
    Tusaale:
    Haddii badeeco daryeel maqaarka ahi ay ku andacootay “inay isla
    markiiba tirtirto duuduubka ama jacdadka” iyada oo aan lahayn
    caddeymo ama tijaabooyin caafimaad, waxay abuureysaa shaki.
    Laakiin haddii ay ku kabto natiijooyin la xaqiijiyay iyo markhaatiyo
    isticmaaleyaal, waxay noqoneysaa mid la aamini karo oo wax ku ool ah.
    Sidee loosameeyaa USP?
  5. Xadidida Dawaynaha Bartilmaameedka ah
    Tani waa tallaabada ugu horreysa uguna muhiimsan. Si loo fahmo cidda
    uu yahay macaamilka ku habboon (ideal customer), waa in si qoto dheer
    loo daraaseeyaa:
     Astaamaha demografiyada
     Dabeecadda iyo hab-dhaqanka
     Danaha
     Waxa riixa go’aannada
     Dhibaatooyinka maalinlaha ah
    Tusaale:
    Summad daryeel maqaarka ah oo heer sare (luxury) ah waa inay
    fahantaa in dhagaystayaasheedu ay mudnaan siinayaan:
     Tayo sare
     Wax-ku-oolnimo la xaqiijiyay
     Dareen raaxo iyo heer sare
    Sidaas awgeed, USP-gu waa inuu si cad u muujiyo qodobadan.
  6. Falanqaynta Tartamayaasha
    Falanqaynta tartamayaashu waa arrin lama huraan ah si loo ogaado:
     Maxay tartamayaashu bixiyaan?
     Maxay yihiin awooddooda?
     Halkee ayay ka liitaan?
     Waa maxay farqiga ama gaabka ay suuqa ka tageen?
    Tani waxay gacan ka geysaneysaa dhisidda USP si cad uga sooca
    badeecadda ama adeegga tartamayaasha kale.
    Tusaale:
    Haddii tartame uu bixiyo tayo sare balse qiimo aad u sarreeya, waxaad
    dhisi kartaa USP ku saleysan tayo sare oo qiimo jaban lagu heli karo.
  7. Muujinta Faa’iidooyinka Gaarka ah ee Badeecadda
    USP-gu diiradda ma saaro oo kaliya “astaamaha farsamo”, balse wuxuu
    xoogga saaraa faa’iidada dhabta ah ee macaamilku helo. Waa in si
    cad loo qeexo waxa badeecadda ka dhigaya:
     Mid wanaagsan
     Mid fudud isticmaal ahaan
     Mid dhakhso badan
     Mid kharash-badbaadisa
     Mid wax-ku-oolnimo sare leh
    Tusaale:
    USP-ga Tesla wuxuu ku dhisan yahay:
     Teknoolojiyad horumarsan
     Joogteyn iyo daryeel deegaan
     Waxqabad sare
    Arrimahan ayaa soo jiita macaamiisha danaynaya hal-abuurka iyo
    ilaalinta deegaanka isla mar ahaantaana. Sidaas ayay Tesla ugu
    suurtagashay inay si cad uga soocdo soo-saareyaasha gawaarida
    dhaqanka una hanato qayb weyn oo ka mid ah suuqa gawaarida
    korontada.
  8. Tijaabinta iyo Hagaajinta USP
    Tallaabada ugu dambeysa ee horumarinta USP waa in la tijaabiyo lana
    hagaajiyo iyadoo lagu saleynayo jawaabaha suuqa. Xitaa USP si
    taxaddar leh loo diyaariyey wuxuu u baahan yahay tijaabo dhab ah si loo
    xaqiijiyo waxtarkiisa.
    Tani waxay ka mid noqon kartaa:
     Tijaabinta USP-ga iyadoo lala wadaagayo qayb ka mid ah
    dhagaystayaasha bartilmaameedka ah
     Ururinta aragtiyahooda iyo fikradahooda
     Adeegsiga:
    o Kooxo dood-furan (focus groups)
    o Sahanno (surveys)
    o Tijaabooyin A/B
    o Ololeyaal suuq-geyn tijaabo ah
    Fikradaha laga helo marxaladdan waa kuwo qiimo weyn leh, maadaama
    ay muujinayaan in farriintu si dhab ah ula jaanqaadayso
    dhagaystayaasha iyo in kale. Haddii natiijooyinku muujiyaan in USP-gu
    aanu soo jiidanayn ama aanu caddayn, waa la beddeli karaa lana xoojin
    karaa.
    Tusaale:
    Shirkad ayaa ogaan karta in USP-geedu yahay mid gaar ah, balse aad u
    farsamo badan, kuna adag fahamka macmilka caadiga ah. Taasi waxay
    ku kallifi kartaa inay farriinta fududeyso oo ka dhigto mid si sahlan loo
    fahmi karo.
    Isku-darka USP iyo Istiraatiijiyadaha Suuq-geynta
    Ku-darista USP istiraatiijiyadaha suuq-geynta waa tallaabo muhiim ah si
    loo hubiyo in qiimaha gaarka ah ee badeecadda ama adeegga uu ka
    muuqdo dhammaan hababka loola xiriiro macaamiisha.
    Xudunta isku-darkan waxa ku jira farriinta summadda (brand
    message) — taas oo ah qaabka sheeko iyo hadal ee shirkaddu ula xiriirto
    suuqa.
    Farriinta summaddu waa inay si joogto ah oo isku mid ah u muujisaa
    USP-ga iyada oo loo marayo dhammaan kanaallada:
     Xayeysiinta
     Xiriirka dadweynaha
     Baraha bulshada
     Khibradda macaamiisha
    Ujeeddadu waa in la dhiso aqoonsi summadeed oo xooggan, kaas oo ku
    adkeeya faa’iidooyinka gaarka ah ee badeecadda meel kasta oo lala
    xiriiro macaamilka. Is-waafajintani waxay dhistaa qiimaha summadda
    waxayna xoojisaa booskeeda maskaxda macaamiisha.
    Tusaale cad:
    Farriinta Apple mar walba waxay ku wareegtaa hal-abuur, fudayd, iyo
    tayo sare — kuwaas oo ah tiirarka USP-geeda — ha noqoto xayeysiin,
    soo-bandhig badeeco, ama xitaa adeegga kabka farsamada.
    Doorka Xayeysiinta ee Muujinta USP
    Xayeysiintu waa aalad aasaasi ah oo lagu gaadho dhagaystayaasha,
    sidaas darteed waa meesha USP-gu si cad uga muuqan karo.
    Ololeyaasha xayeysiinta:
     USP-gu waa inuu noqdaa udub-dhexaadka farriinta
     Hal-abuurka iyo qaabka loo soo bandhigayo waa inay ku
    wareegaan USP
    Xayeysiin wax ku ool ah kaliya ma soo bandhigto USP, balse waxay u
    soo gudbisaa si shucuur leh oo soo jiidasho leh, si macaamilku u
    dareemo una qanco. Waxaa la adeegsan karaa:
     Sheekooyin (storytelling)
     Taabasho shucuur leh
     Sawirro ama muuqaallo awood leh
    Tusaale xooggan:
    Ololaha Dove – “Real Beauty” wuxuu iftiimiyay USP ku dhisan
    qadarin quruxda dabiiciga ah iyo kobcinta kalsoonida nafta, taas oo
    summadda ka soocday tartamayaasha diiradda saaraya quruxda “kamilka
    ah” oo keliya.
    Doorka USP ee Iibka
    USP-gu waa saldhigga istiraatiijiyad kasta oo iib ah, maadaama uu hago
    sida ay kooxda iibku ula hadasho macaamiisha.
    Marka iibku ku dhisan yahay USP:
     Soo-bandhiggu wuxuu noqdaa mid qancin badan
     Diiradda wuxuu saaraa qiimaha uu macaamilku helo
     Wuxuu la jaanqaadaa farriinta guud ee summadda
    Kooxda iibka waa in si fiican loogu tababaraa si ay u fahmaan USP-ga
    una soo bandhigaan sidii xal cad oo mushkiladda macaamilka ah.
    Tusaale (waaxda dawooyinka):
    Wakiillada iibka waxay diiradda saari karaan daraasado cilmiyeed iyo
    tijaabooyin caafimaad oo caddeynaya waxtarka daawada — taas oo
    xoojinaysa USP ku dhisan kalsooni iyo ammaan.
    Khibradda Macaamilka iyo Doorka USP
    Khibradda macmilku waxay ka kooban tahay dhammaan meelaha uu
    macmilku kula xiriiro summadda:
     Ka hor iibsiga
     Inta lagu jiro iibsiga
     Ka dib iibsiga
    Si USP-gu u noqdo mid guuleysta, waa inuu si muuqata uga dhex
    muuqdaa dhammaan marxaladahaan. Haddii USP-gu ballanqaadayo
    adeeg macaamiil oo heer sare ah, waa inuu taasi si dhab ah uga
    muuqdaa:
     Jawaab degdeg ah
     Adeeg shakhsiyeed
     Fudaydka soo-celinta
     Taageero joogto ah
    Is-khilaaf kasta oo u dhexeeya ballanqaadka iyo xaqiiqda dhabta ah
    wuxuu sababi karaa kalsooni lumis.
    Daraasado Xaaladeed (Case Studies)
    Apple — Tusaale Guul Weyn oo USP Cad oo Xooggan
    Apple waa tusaalaha ugu cad ee muujinaya waxa USP xooggan gaari
    karo. USP-geedu mar walba wuxuu diiradda saaraa:
     Naqshad soo jiidasho leh
     Hal-abuurnimo joogto ah
     Khibrad adeegsade oo siman (seamless user experience)
    Alaabooyinka Apple sida iPhone iyo MacBook waxay bixiyaan isku
    dheelitirnaan heer sare ah oo u dhaxaysa teknoolojiyad horumarsan,
    qurux, iyo fudayd. Tani ma aha horumarin yar-yar oo isdaba joog ah,
    balse waa hal-abuurnimo abuurtay qaybo badeeco oo gebi ahaanba
    cusub.
    Soo-bandhiggii iPhone sanadkii 2007 wuxuu si buuxda u beddelay
    dunida taleefannada casriga ah — ma ahayn oo keliya astaamaha, balse
    wuxuu beddelay habka ay dadka ula falgalaan teknoolojiyadda.
    USP-gan ayaa Apple ka caawiyay inay dhisto bulsho macaamiil aad u
    daacad ah, kuwaas oo diyaar u ah inay bixiyaan qiimo ka sarreeya suuqa
    si ay u helaan khibradda Apple.
    BlackBerry — Tusaale Hoos-u-dhac ka dhashay USP Daciif ah ama
    Aan Isbeddelin
    Dhanka kale, BlackBerry waxay tusaale u tahay fashilka USP aan la
    jaanqaadin isbeddelka suuqa. USP-geedu wuxuu ku dhisnaa:
     Email ammaan ah
     Keyboard jireed
     Bartilmaameed ah ganacsatada iyo ragga ganacsiga
    Laakiin suuqu si weyn ayuu isu beddelay. Macaamiishu waxay
    bilaabeen inay rabaan:
     Shaashad taabasho
     App Store
     Kaamarro tayo sare leh
     Khibrad warbaahineed oo dhammaystiran
    Halkaas ayay BlackBerry ku sii adkaysatay USP-gii hore.
    Adkaysigan iyo la’aanta isbeddelkuna waxay keentay inay suuqa ku
    weydo Apple iyo Android. dartood
    Casharka muhiimka ah:
    👉 Suuqyadu way dhaqaaqaan — USP-gana waa inuu la dhaqaaqaa.
    USP iyo Isbeddelka Suuqa
    Maadaama doorbidka macaamiisha iyo horumarka teknoolojiyaddu si
    joogto ah isu beddelayaan, waa lama huraan in summaduhu si joogto ah
    u eegaan una cusbooneysiiyaan USP-gooda. USP aan horumar samayn
    wuxuu si degdeg ah isugu beddeli karaa culays, wuxuuna summadda ka
    dhigi karaa mid ku duugooday indhaha macaamiisha.
    Tusaalaha BlackBerry wuxuu muujinayaa muhiimadda isu-dheellitirka
    u dhexeeya ilaalinta xoogagga aasaasiga ah iyo hal-abuurnimada.
    Inkastoo USP-gu ku dhisnaado awoodaha summadda, haddana waa inuu
    la jaanqaadaa isbeddelka suuqa, haddii kale summaddu waxay lumin
    kartaa awooddeeda tartan.
    Cabbirka Guusha USP: Iibka iyo Saamiga Suuqa
    Guusha USP si dhow ayay ugu xiran tahay saameynta uu ku yeesho:
     Kobaca iibka
     Saamiga suuqa (market share)
    Kobaca iibku waa tilmaame muhiim ah oo muujinaya awoodda USP ee
    beddelidda xiisaha macaamiisha una rogaya iib dhab ah. Marka iibku
    kordho — gaar ahaan marka lala barbardhigo tartamayaasha — waxay
    muujinaysaa in USP-gu si dhab ah ula falgalayo dhagaystayaasha
    bartilmaameedka ah.
    Xogta iibka waxaa loo falanqeyn karaa siyaabo kala duwan:
     Heerka soo jiidashada macaamiil cusub
     Iibsiga soo noqnoqda
     Dakhliga la gaaray muddada cayiman
    Falanqayntani waxay muujinaysaa doorka USP ee waxqabadka
    maaliyadeed ee muddada gaaban iyo tan dheer.
    Sidoo kale, helidda ama ilaalinta saamiga suuqa waa calaamad
    muujinaysa in USP-gu uu soo jiidanayo macaamiisha isla markaana
    daciifinayo saameynta tartamayaasha. Kormeerka isbeddelka saamiga
    suuqa wuxuu shirkadaha ka caawiyaa inay qiimeeyaan heerka kalasoocidda ay USP-gu keenay iyo in ay dhiseyso faa’iido tartan oo waarta.
    Gunaanad (Conclusion)
    Horumarinta iyo ilaalinta USP xooggan waa shuruud asaasi ah oo u ah
    summad kasta oo doonaysa inay ku guulaysato jawi tartan adag. USP si
    xirfad leh loo diyaariyey waa tiirka aqoonsiga summadda, wuxuuna si
    cad u muujinayaa waxa ka sooca tartamayaasha.
    Sida maqaalka lagu muujiyey, USP guuleysta waa inuu noqdaa mid:
     Ku dhisan faham qoto dheer oo dhagaystayaasha bartilmaameedka
    ah
     Cad oo si fiican loo qeexay
     Ku habboon baahiyaha macaamiisha
     Dhab ah oo la xaqiijin karo
    Sidoo kale waa inuu si buuxda ugu dhex milmaa dhammaan
    istiraatiijiyadaha suuq-geynta — laga bilaabo xayeysiinta ilaa adeegga
    macaamiisha — si loo xaqiijiyo in qiimaha gaarka ah ee summaddu si
    joogto ah uga dhex muuqdo maskaxda dadweynaha.
    Awoodda USP ee kor u qaadidda wacyiga summadda, dhisidda
    daacadnimada macaamiisha, iyo kordhinta iibka iyo saamiga suuqa
    waxay caddeynaysaa doorkiisa istiraatiiji ee dhismaha faa’iido tartan oo
    waarta.
    Mustaqbalka USP
    Mustaqbalka, USP-gu wuxuu mari doonaa isbeddello waaweyn iyadoo
    hal-abuurnimadu sii dardar-gelayso, isla markaana dabeecadda
    macaamiishu isbeddelayso. Teknoolojiyadaha sida:
     Caqliga macmalka ah (AI)
     Barashada mashiinka (Machine Learning)
     Falanqaynta xogta (Data Analytics)
    waxay furi doonaan fursado loogu talagalay USP-yo shaqsiyeed oo
    firfircoon, kuwaas oo si gaar ah loogu habeeyo macaamil kasta.
    Sidoo kale, u janjeeridda macaamiisha dhanka:
     Joogtaynta
     Mas’uuliyadda bulshada
     Saameynta deegaanka
     Daah-furnaanta
    waxay ka dhigi doontaa USP-ga mustaqbalka mid ka baxsan
    faa’iidooyinka dhaqameed, kuna saleysan qiyam iyo ujeeddooyin
    waaweyn.
    Summadaha awooda inay isbeddelladan ku dhex daraan USP-gooda
    ayaa si guul leh u soo jiidan doona jiilka cusub ee macaamiisha, isla
    markaana sii ilaalin doona booskooda suuqa.
    Ugu dambayn, awoodda lagu abuuro, lagu horumariyo, laguna
    cusbooneysiiyo USP si joogto ah waxay sii ahaan doontaa qodobka ugu
    muhiimsan ee go’aamiya guusha iyo sii-jiritaanka summadaha
    mustaqbalka.
    Khaladaadka Caanka ah ee ay tahay Laga Fogaado
  9. Ballanqaad Xad-dhaaf ah (Overpromising)
    Ballanqaad xad-dhaaf ah wuxuu dhacaa marka summaddu si xad dhaaf
    ah u buunbuuniso faa’iidooyinka badeecad ama adeeg si ay u soo jiidato
    macaamiisha. Inkastoo tani keeni karto xiiso degdeg ah iyo koror iib ah,
    haddana waxay halis weyn ku tahay sumcadda summadda haddii
    xaqiiqadu ka duwanaato ballanqaadka.
    Farqiga u dhexeeya ballanqaadka iyo khibradda dhabta ah wuxuu keeni
    karaa:
     Qanacsanaan la’aan macaamiil
     Qiimeynno taban
     Kalsooni lumis
    Xilligan baraha bulshada, xogtu si degdeg ah ayay u faaftaa, taas oo
    keeni karta waxyeello degdeg ah oo weyn oo gaarta sumcadda
    summadda.
    Intaa waxaa dheer, ballanqaadka xad-dhaafka ah wuxuu shirkadda gelin
    karaa khataro sharciyeed sida:
     Dacwooyin maxkamadeed
     Ganaaxyo
     Eedeymo xayeysiin marin-habaabineed
    Si looga fogaado qaladkan, USP-gu waa inuu noqdaa mid dhab ah oo la
    gaari karo. Ballanqaadyo daacad ah waxay dhisaan kalsooni, xoojiyaan
    daacadnimada macaamiisha, isla markaana keenaan faa’iido tartan oo
    waarta.
  10. USP Aan Caddeyn (Lack of Clarity)
    USP aan caddeyn, oo ka maqan qeexitaan iyo saxnaan, wuxuu ku
    guuldareystaa inuu si cad u sharaxo sababta badeecaddu u gaar tahay.
    USP aad u guud wuxuu summadda ka dhigi karaa mid lunta dhexda
    tartanka xooggan.
    Khataraha USP aan caddeyn waxaa ka mid ah:
     Jahwareer macaamiil iyo faham la’aan qiimaha badeecadda
     Heerarka beddelka (conversion rates) oo hooseeya
     Aqoonsi summadeed oo daciif ah
     Ku dhicid tartan qiime halkii laga tartami lahaa qiimo (value)
    Xalka waa in la dhiso USP:
     Si gaar ah loo qeexay
     Cad oo fudud
     Ku saleysan faa’iido la taaban karo
     Si sahlan loo xasuusan karo
  11. Diiradd Saaridda Kala-duwanaanshaha Iyadoo la Dayacayo
    Baahida Macaamilka
    Kala-duwanaanshuhu waa muhiim, balse kaligiis kuma filna. Waa inuu
    noqdaa mid si toos ah ula xiriira baahida macaamilka.
    Haddii baahida dhagaystayaasha la iska indho tiro, USP-gu wuxuu
    noqonayaa mid aan qiimo lahayn — xitaa haddii uu yahay mid aad u
    gaar ah.
    Tusaale:
    Haddii shirkad teknoolojiyadeed ay xoogga saarto awoodda processorka, halka macaamiishu ay danaynayaan naqshad qurux badan iyo
    fudaydka isticmaalka, USP-gu ma yeelan doono wax saameyn ah.
    Si looga fogaado arrintan, shirkaduhu waa inay:
     Sameeyaan cilmi-baaris suuq
     Fahmaan baahiyaha dhagaystayaasha
     La jaanqaadaan USP-ga rabitaanka macaamilka, halkii ay ka raaci
    lahaayeen waxa shirkaddu u aragto muhiim
    Tani waxay horseedaysaa USP xooggan oo keena iib dhab ah isla
    markaana dhisa daacadnimo waarta.
    Cabbirka Guusha USP
    Guusha USP lama qiyaaso dareen ama mala-awaal, balse waxaa lagu
    cabbiraa Tilmaamayaal Waxqabad Muhiim ah (Key Performance
    Indicators – KPIs). Tilmaamayaashani waxay ka caawiyaan shirkadaha
    inay qiimeeyaan waxtarka USP una hagaajiyaan marka loo baahdo.
  12. Wacyiga Summadda (Brand Awareness)
    Waxay cabbirtaa heerka ay dhagaystayaashu u yaqaannaan summadda
    iyo sida ay ula xiriiriyaan qiimaheeda gaarka ah. Kororka wacyiga
    summaddu wuxuu muujinayaa in USP-gu si guul leh u faafayo una
    saamaynayo suuqa.
    Waxaa lagu cabbiraa:
     Sahanno
     Falanqaynta baraha bulshada
     Tirakoobka raadinta (search statistics)
  13. Haynta Macaamiisha (Customer Retention)
    Haddii macaamiishu mar kale u soo laabtaan iibsasho, tani waxay
    muujinaysaa in USP-gu fuliyay ballanqaadkiisii. Hoos u dhaca ku
    haynta macaamiisha wuxuu tilmaami karaa USP daciif ah ama mid aan
    la jaanqaadin filashooyinka macaamiisha.
  14. Heerarka iibsadayaasha (Conversion Rates)
    Waxay cabbiraan boqolkiiba dadka noqda iibsadayaal kadib markay la
    kulmaan USP. Kororkoodu wuxuu caddeynayaa in USP-gu yahay mid
    qancin kara oo wax ku ool ah.
  15. Qiimaha Macaamilka Noloshiisa oo Dhan (Customer Lifetime
    Value – CLV)
    USP xooggan wuxuu kordhiyaa muddada xiriirka macaamilka iyo
    qiimaha guud ee wax iibsigiisa muddada dheer. Tani waa tilmaame cad
    oo muujinaya saameynta istiraatiijiyadeed ee USP.
    Doorka Aragtiyada Macaamiisha
    Aragtiyada macaamiishu waa ilo toos ah oo awood leh oo lagu cabbiro
    guusha USP.
    Hababka lagu ururiyo aragtiyadan waxaa ka mid ah:
     Sahanno
     Qiimeynno dukaamo iyo adeegyo
     Faallooyin baraha bulshada
     Markhaatiyo macaamiil (testimonials)
    Marka macaamiishu qiimeyntooda ku xusaan faa’iidooyinka ay
    summaddu ku ballanqaadday USP-ga, tani waa caddeyn guul.
    Haddii se faallooyinku muujiyaan farqi u dhexeeya ballanqaadka iyo
    xaqiiqda, waxay muujinayaan baahida loo qabo in la saxo USP-ga ama
    la horumariyo badeecadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *