Dunida ganacsiga casriga ah waxaa ka jira tartan aad u daran iyo alaabo iyo adeegyo badan oo suuqa yaalla, taasoo macaamiisha ka dhigta kuwo ku wareersan doorashada xulashada ugu wanaagsan isla markaana ganacsatada ka dhigta kuwo ku dhibtoonaya sida ugu habboon ee ay u suuqgeeyaan waxyaabaha ay bixiyaan. Iyadoo shirkaduhu diiradda saarayaan xeeladaha casriga ah ee suuqgeynta iyo iibka isla markaana u qoondeynaya miisaaniyado waaweyn, haddana waxay inta badan iska indha-tiraan waxa loo yaqaano (positioning) — taas oo go’aamisa masiirka ganacsigooda .
(positioning) ka waxaa lagu tilmaamaa awoodda aad u leedahay inaad si cad oo sax ah ugu soo bandhigto macaamiisha astaamaha alaabtaada iyo qiimaheeda, suuqa ku habboon iyo qaabka ku habboon. Erayga (positioning) wuxuu markii ugu horreysay soo ifbaxay sannadkii 1981 balse tan iyo markaas looma siinin fiiro gaar ah oo ku filan, mana jiraan habab nidaamsan oo dadka la faray si loo hirgeliyo (positioning) sax ah. Kuwa xeeladahaas bartay badankood waxay ku barteen qarda jeex adag iyo tijaabooyin qiyaas-qishayaas ah.
Sidaas darteed, waxaan kuu soo diyaariyey sharaxaad dhameystiran oo ku saabsan fikradda (positioning) ka, iyadoo lagu saleeyey hab hawleed ficil ah ka kooban 10 tallaabo si si guul leh loogu fuliyo —
si aad u gaarto heerar cusub oo suuqgeyn iyo iib, una sameyso isbeddel xagga waayo-aragnimada macaamiisha. (positioning) ka ma aha oo kaliya inay ka caawiso macaamiisha inay si sax ah u fahmaan alaabtaada — waxay kaloo ka dhigeysaa inay jeclaadaan oo si joogto ah u iibsadaan.
Ku eeg alaabtaada iyo suuqaba indhaha macaamiisha ka hor intaadan bilaabin ololaha suuqgeynta
Ololaha suuqgeynta iyo iibku waa in aan la bilaabin ka hor inta aan la hubin in booska ay alaabtaadu ku leedahay maskaxda macaamiisha iyo suuqa uu yahay booska saxda ah. Positioning-ka khaldan wuxuu la mid yahay muuqaalka ugu horreeya ee filim aan si fiican u diyaarsanayn—muuqaalkaas oo looga baahan yahay inuu daawadaha fahamsiiyo sheekada, macnaha guud, iyo jilayaasha ka hor inta aan la galin faahfaahinta.
halkaan ka degso