info@naasix.com naasiye@gmail.com +252-63-4062106 Hargeisa, Somaliland

Buuggan waxa la daabacay sanadkii 2016, wuxuuna ka mid
yahay buugaagta ugu muhiimsan ee ka warama suuq-geynta
casriga ah .
Wuxuu si faahfaahsan u sharxayaa sida ganacsiyadu ay uga
guuri karaan suuq-geynta duuga ah qadiimiga ah una guuri
karaan suuq-geynta dijitaalka ah.
Ujeeddada buuggu waa in la dhiso qaacidooyin cusub oo suuqgeyn ah, iyadoo la tixgelinayo horumarka degdegga ah ee
tiknoolajiyada, iyo sida loogu adeegsan karo saamaynta iyo soo
jiidashada macaamiisha

Philip Kotler –waa Khabiir Maraykan ah oo caan ku ah suuqgeynta, wuxuu dhashay 1931, wuxuuna bare sare ka noqday
Jaamacadda Northwestern ee Mareykanka.
Wuxuu la-taliye suuq-geyn u ahaa shirkado waaweyn sida IBM
iyo General Electric.
Sidoo kale Kotler wuxuu ka mid yahay mufakiriinta ugu
waawayn caalamka ee wax laga waydiiyo dhanka maamulka
waxaana loo yaqaannaa “Aabbaha ruuxiga ah ee Suuq-geynta
Dijitaalka ah” sababtoo ah wuxuu suuq-geynta u arkayay
inaysan ahayn waax ka mid ah shirkadda oo keliya, balse ay
tahay wadnaha ganacsiga iyo xudunta korriimadiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *